Soomaalida iyo Lahjadda Maayga

August 15, 2021

W.Q. Pen Dr. Ibrahim ONLINE

Afka ama luqaddu waa shay muhiim u ah isku xidhka bani’aadanka. Afku waa ka suurtogeliya in qofba qofka kale u gudbiyo fikirka, argtiyaha iyo dareenka uu qabo. Waa waxa lagu aqoonsado bulsho amase kala duwa bulshooyinka adduunka. Sidoo kale afku waa midka  xambaara dhaqanka ummaddi leedahay. Qiyaastii maanta dunida waxaa lagaga hadlaa ilaa 6,500 oo af iyadoo afafka Ingiriisiga, Mandarin (Shiinaha), Hindiga, Isbaanishka iyo Carabigu yihiin kuwa tirada ugu badani ku hadasho sida ay u kala horreeyaan. Af soomaaligu waxaa uu ka mid yahay afafka Afro-Aasiya laanta Kushitiga isagoo bah-wadaag la ah afafka Oromada, Canfarta iyo kuwo kale.

Continue reading

Dagaal dhaqameedka ku socda Soomaalida iyo beddel-ka qeexidda ereyga ‘dumar’

Posted on December 16, 2022 by somaliamomentum Edit

Moment RESEARCH Consultancy December 15, 2022

Wargeyska maalinlaha ee The Times ayaa qoray in qaamuuska Cambridge Online Dictionary lagu dhaliilay beddelista qeexidda ereyga ‘dumar’. “Qaamuuska Cambridge oo Internetka laga akhrisan karo ayaa sameeyay qeexid dheeri ah ee ereyga [dumar]…” ayuu wargeysku wariyay. Qeexidda Qaamuuska Cambridge ka bixiyay ereyga dumar marka la tarjumo waa sidan: “dumar: qof qaangaar ah oo u nool isuna taqaan dumar ahaan inkastoo laga yaabo inay lab ahayd markii la dhalay”. Tafaftirayaasha Qaamuuska Cambridge ayaa bishii Oktoobar beddelay qeexiddii hore ee ereyga kaddib “markay eegeen sida bulshadu u isticmaasho ereyga”.

Sida Cambridge Dictionary u qeexay oo weedho u geliyay ereyga ‘woman’.

Qaamuuska Cambridge wuxuu sidoo kale wax ka beddelay qeexidda ereyga ‘nin’: “Qof qaangaar ah oo u nool isuna yaqaan nin ahaan inkastoo laga yaabo inuu dheddig ahaa markii la dhalay”. Dadka dhaliilay qeexidda cusub ayaa sheegay in ololeyn muddo socotay ay sababtay wax ka beddelista qeexidda labada erey. Waa wajiga cusub ee dagaal dhaqameedka ka socda Galbeedka lana doonayo in dunida seddexaad laga hirgeliyo.

Soomaalidu kuma baraarugsana dagaal dhaqameedka ku socda

Af iyo dhaqan xiriir ayaa ka dhexeeya. Go’aanka Qaamuuska Cambridge Online Dictionary ku beddelay qeexidda ereyga “dumar” waa qeyb ka mid ah dagaalka dhaqameed ka socda Galbeedka laakiin la doonayo in si tartiib tartiib ah loogu fidiyo dunida seddexaad. Dagaalka hadda socda waa mid dhaqameed oo dunida seddexaad loo soo marinayo deeqaha ay dalalka hodanka ahi bixiyaan. Siyaasi reer Galbeedka ah ayaa sheegay in dowladdiisu lacag ku bixiso waxyaabaha ay dadkiisu ku dhaataan — qiyamka. Taasi macnaheedu waa: dalka gacanta deeqda la siinayo waxaa qasab ku ah inuu qaato yabooh shuruud ku xiran sida fidinta dhaqammada diinta Islaamku xaaraantimaysay. Dadku ma ogaan karaan ujeeddooyinka deeq-bixiyayaasha haddii aysan ka warhaynin dagaal dhaqameedka socda oo ka soo horjeeda diinta Islaamka. 

10 sano ka hor dugsiyada dalal badan oo Galbeedka ah lagama dhigi jirin casharro carruurta lagu barayo in guurka nin iyo haweenay yahay guurkii hore. Ma aha manhaj dadku u codeeyeen; waa manhaj dadka dusha laga saaray kaddib markii Baarlamamaannadooda ay dejiyeen sharci waxbarashada u beddelay maskax-mayrid. Dagaal dhaqameed ereyo ayuu ku billowdaa sida sinnaan iyo dulqaad oo Galbeedka ka leh macne ka horjeeda diinta Islaamka. Soomaaliya waa dal ku tiirsan deeqo ay bixiyaan dalalka safka hore kaga jira dagaalka dhaqameed nagu socda. In dadku ogaado wajiyada kala duwan ee dagaalkaas waxaa kaalin ka qaadan kara warbaahinta. Gacanta hoose (ummad deeq shisheeye ku tiirsan) waxay u nugushahay dhaqan doorin. Warbaahintu way gabaysaa kaalinteeda haddii aysan dadka la socodsiinin dagaalka dhaqaameed oo xowliga ku socda.

Taariikhda Iyo Sooyaalka Qoraalka Farta Soomaaliga Oo Dhameystiran 

January 21, 2017 – Maanta waxaa 44 sano laga jogaa markii ugu horreysay ee uu soo baxo wargeys ku qoran farta Soomaaliga, waa sidoo kale maalintaas uu manhajka dalka isku badalay farta Soomaaliga. PenDrIbrahim News, waxaa shacabka dib u xusuusineysaa Sooyaalka Taariikhda iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray qoraalka Farta Soomaaliya iyo heerka uu maanta taagan yahay. Sida ku qoran dastuurka  qabyada ah, Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga(May iyo Maxaa tiri). 44 sano ka hor Soomaaliya ma aysan lahayd far qoran, Xiligaas dalka ma laheyn far la qoro, Waxaa lagu xiriiri jiraya dhanka qoraalka Afaf qalaad iyo walibo suugaanta. Umad waliba waxay leedahay hido iyo dhaqan soo jireen ah, laakin waxa lagu kala hor maro waa xifdinta hidahaas, iyada oo qoran. Sida dastuurkan cusub ku qoran, dowladda  waa in ururisaa, ilaalisaa waxyaabaha taariikhiga ah ee dalka, iyadoo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo. Dowladda waa in ay horumarisaa dhaqammada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay. Maanta, waxbarashada waa mid ku baahsan guud ahaan dalka , dugsiyo iyo Jaamacado ayaa meel walba daadsan, Laakin nasiib daro, waxaa wax lagu bartaa luuqado shisheeye sida Ingiriis-ka, Carabiga iyo Afaf kale oo aan Soomaaliga ku jirin. Iyada oo AF Soomaaliga uu isaga oo hal xiisad ah ku jiro jadwalka waxbarashada iskuulaadka dalka Xafiisyada dowladda, qoraalada, bandhigyada, xayeysiisnta, jagooyinka iyo dhamaan hay’adaha dowliga ah waxaa lagula  xiriiraa Afafka qalaad halka Afkeenu kusoo ururay ku hadalka oo kaliya.

Continue reading

Af-Soomaaliga oo ka mid noqonaya afafka ay ku shaqeyso dowladda dhexe ee Itoobiya

2C10D352-15CC-4BA9-8E64-A624F3EC9BC6
July – 1 -2020 – Golaha wasiirrada dalka Itoobiya ayaa diyaariyey qaraar qabya ah oo lagu kordhinayo afafka dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya ay ku shaqeyso.

Shirka 80-aad ee caadiga ah ee golaha wasiirrada dalkaasi Itoobiya waxaa lagaga hadlay qaraarka qabyada ee horumarinta adeegsiga afafka cusub ee uu horay golaha wasirrada u go’aamiyey.
Dowladda dhexe ee Itoobiya waxay horay ugu shaqeyn jirtay afka Amxaariga hase yeeshee golaha wasiirrada ayaa wuxuu hadda ka hor uu soo jeediyey in afaf kale oo ay ku hadlaan deegaannada dalka Itoobiya ugu waaweyn uu Af-Soomaaligu ka mid yahay.
Waxayna golaha wasiirradu u sababeeyeen si dalka uu u noqdo dal dhan walba ay shucuubtiisu ka mideysan yihiin luuqadda dowadda dhexe oo horay ugu ku koobneyd Amxaari in lagu daro afaf kale oo uu Af-Soomaaliga ka mid yahay.
Luuqadaha oo waddanka loo isticmaalo ka sokoow waxay faa’ido u leeyihiin xiriirinta iyo isdhex galka dalalka kale ee Itoobiya deriska la ah ee afafkaasi ku hadla.
Maadaamaa ay afafka la doonayo iney dowladda dhexe afka Amxaariga ee ay ku shaqeyneysay lagu kordhiyo ee ay ka midka Yihiin Af-Soomaaliga, Af-Orormo iyo Af-Cafarta looga hadlo waddamada Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.
Wuxuuna golaha wasiirradu sheegay afarta luuqadood ee ay dooneyso iney dowladda dhexe Itoobiya ku shaqeyso inaan wixi hadda ka horreeyey sidi la rabay loo hormarin balse ay deegaannada afafkaasi looga hadlo ay soo adeegsanayeen tani iyo dowladdi kala guurka.
Qowmiyadaha dhexdoodana waxay ka abuureysaa iney qowmiyad walba afka iyo dhaqanka qowmiyadda kale ay wax badan ka barato iyo hab noolaleedka bulshadaasi ay leedahay.
Afarta afna waxaa lagu soo xushay tirada dadka ku hadla, deegaanka looga hadlo iyo xiriirka uu la leeyahay bulshooyinka ku nool waddamada Itoobiya dariska la ah ee Afafkaasi ku hadla.

1 – Maxaad ka taqaannaa magacyadii Soomaalidu u taqaannay bilaha?
2 – Guuguule loogu tala galay in carruurta Af-Soomaaliga lagu baro
3- Baadigoobka “gabadha ugu gabayga wanaagsan ee sannadkan ee laanta af Soomaaliga ee BBC” ayaa furmay

 

Carruurtaada Bar Oo Ku Barbaari Af-Soomaaliga

Carruurtaada Bar Oo Ku Barbaari Af-Soomaaliga
June 29, 2020
PenDrIbrahim

Dhaqan kasta oo jira waxa uu ka billaawdaa kuna dhammaadaa luuqad. Luuqaddu waxa ay saameysaa hiddaha iyo dhaqanka bulshada guud ahaan. Waana waxa bulshooyiinka caalamka kala duwo.

Waaliddiin badan oo qurba-joog ah ayaan ku baraarugsaneyn khatarta ay leedahay in afka koowaad ee curruurtoodu ku hadlaan noqdo af aan ahayn afkooda hooyo. Waxa ay si taxadar la’aan ah u oggolaadaan in carruurtoodu ku hadlaan afafka qalaad – gaar ahaan marka ay guriga joogaan taas oo sababta in caanay arruurtu ku hadlin af-Soomaali.

Continue reading

African languages are the fastest growing in the United States

 

21074B04-BA2B-4902-9BFA-B35AF59A89C9

 

 

African languages are the fastest growing in the United States
October 7, 2019
african language
PenDrIbrahim

Newly released data from the U.S. Census Bureau spotlights African languages among the top ten fastest growing languages spoken at home in the U.S. The list featured three groups of African languages: Swahili and other Central/Eastern/Southern African languages; Yoruba, Twi, Igbo, and other Western African languages; and Amharic/Somali.

Analysts credit the development to recent immigration trends. Although African immigrants make up a small share of the nation’s immigrant population, their overall numbers have doubled every decade since 1970, according to the Pew Research Center. Africans now make up 39% of the total foreign-born black population, up from 24% in 2000.

Continue reading

SADDEXDA AF IYO ADEEGSIGEENNA

907CEF80-3DFF-4BEF-988B-C6AD0800B5A6SADDEXDA AF IYO ADEEGSIGEENNA!

(SOOMAALIGA, CARABIGA IYO INGIRIISKA QORAAL IYO AKHRIS)

Moment RESEARCH Consultancy 

June 29, 2019 – Xirfadda qoraalka waxaa hubaal ah iney u baahantahay wax akhrin, kolka uu qofku wax akhriyana waxaa kobca ogaanshihiisa, waana suurtagal in wixii uu ogaaday uu qoraal u rogo.

Dadka Soomaalida ah xilligan afafka ay akhrinta iyo qoraalka u adeegsadaan waa saddex af. Soomaali, Carabi iyo Ingiriis. Waa jiraan dad saddexda afba isku si wax akhrin iyo dhigaalba u adeegsan kara, qaarna labo ayey adeegsan karaan, kuwo hal mid uun ku koobanna waa ay jiraan.

Shaki kuma jiro in qofka ugu ogaalka badan uu yahay qofka saddexda af ba wax ku akhrin kara, isla markaasna wax ku wada qori kara. Qofka saddexda af adeegsan kara isagu midna gaar uma riixo inta badan, waayo, dhib kuma aha inuu si fudud u adeegsado, balse kuwa halka af ku kooban ayaa qaarkood waxa ay hoos u dhacooda ku qariyaan iney afafka kale ee aysan adeegsan karin wax ka sheegaan.

Af Soomaaliga:

Af-Soomaaligu waa afkeenna hooyo, in far loo sameeyana waxaa lagu guuleystay sanadkii 1972-dii, wixii intaas ka dambeeyeyna waxa uu soo maray ugu yaraan saddex marxaladood oo kala ah:-

1) Intii u dhexeysay  1972-1990: Waxa xilligaas shaqeyneysay madbacaddii qaranka ee Soomaaliya; waxaa soo bixi jirey dhiganayaal iyo wargeysyo, sidoo kale, waxaa aad loo adeegsan jirey teeb oo lagu qori jirey qormooyin yaryar iyo xataa maansooyin, dadkana intii wax akhrin kartay aad ayey ugu xirnaayeen. Sidoo kale, dugsiyada dalka heer hoose, dhexe, sare ilaa jaamacadda waxaa lagu qaadan jirey afkeenna hooyo.

2) Intii u dhexeysay 1991-2010: Xilligan dhexe ma aysan badneyn buugta cusub ee soo baxday ee afkeenna lagu qoray, wallow ay jireen wargeysyo ka soo bixi jirey qaar ka mid ah magaalooyinka Soomaalida. Marxaladdan dhexe iyo midda inoo imaan doonta ee saddexaadba ma jiraan dugsiyo afkeenna lagu dhigto; kuwa ugu roon maaddo ahaan ayaa loogu dhigaa Soomaaliga, iyaduna ardadu ma ay jecla in badan. Dugsiyada waxaa lagu dhigaa oo wax lagu bartaa afafka Carabiga iyo Ingiriiska, kuwaas oo haysta taageero balaaran oo bulshadeenna ka dhaadhiciyey iney afkooda nacaan oo ka xishoodaan, gacan-ku-gabbadna uu ku noqdo geyigiisa.

3) Intii u dhexeysay 2010 ilaa xilliga aan joogno Sagaalkan sano waxaa bilowday oo dardar xoog leh ku socda kacaan loogu hiilinayo afkeenna hooyo; waxaa soo baxay dhiganayaal badan oo afkeenna ku qoran; waxaa soo badanaya dadka wax ku qoraya afkeenna iyo kuwa maanka ku haya iney buugaag ku qoraan; waxaa soo ifeysa rejo wanaagsan, dunida dacalladeedana guux iyo kacdoon afka loogu hiilinayo ayaa ka soo bidhaamaya. Jeer kasta oo buug afkeenna ku qoran uu soo baxo waxaa dhidibada loo taagayaa tiir jiritaankeenna xoojinaya, waayo, afkeennu waa jiritaankeenna. Waxaa bilowday dugsiyo wax lagu barto afkeenna, wallow aysan badneyn, yihiinnna kuwa dhexe, haddana waxaa aad u badan hadal-haynta arrinkaas, waxaanna kalsooni ku qabaa in hadal-hayntaas sameyn loo rogi doono, haddii uu Eebbe idmo.

Waxaa xusid mudan, iyada oo baraaruggaas uu jiro, haddana, dad ka ciisheysan sida afafka kale ay hiil u haystaan, loona gacan bidixeeyey afkeenna ay  colaad u qaadeen in afafka kale wax lagu barto, wax lagu qoro oo la adeegsado; dabcan, taas kuma ay saxna, dad kasta oo meel ku noolna waxaa ku dhexjira qaar xagjir ah. Afafka kale oo dhan waan u baahannahay; aqoontii oo dhan baa ku qoran, qofkii yiraahda af kale uma baahninna waa qof doonaya inuu qol mugdi ah kaga noolaado dunidan isku furan ee deriska wada ah.

Afka Carabiga

Taariikhda uu afka Carabigu ku leeyahay Soomaalida waa ay sii horreysay, waxaana inta badan ay la socotay Diinta Islaamka, iyada oo wadaaddadu ay qasiidooyinka iyo kutubta ku baran jireen afka Carabiga, kuna qeybi jireen; laba sabab ayaa ugu wacnaa. 1) Diin ahaan ayey u aaminsanaayeen oo waa ay barakeysan jireen. 2) Af Soomaaligu ma uusan qorneyn, afafka kalena ma aysan aqoon, afaf gaalana waa u arki jireen.

Dabayaaqadii qarnigii 19-aad ilaa sanadkii 1972-dii oo ahayd markii afkeenna fartiisa la hirgeliyey, wadaaddadu waxa ay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen sidii farta afkeenna ay u noqon lahayd af Carabi, waxaana dedaalladaas wadaaddadu ay ku garab-wadeen dacaayado ay ku furi jireen farihii kale ee tan hadda aan wax ku qorayo, adna aad ku akhrineysid qormadan ay ka midka ahayd, iyaga oo (wadaaddadu) u yaqaannay, laatiin macnaheedu inuu yahay  “laa diin”. Halgankii farta Soomaaliga loo maray oo ahaa mid aad u xiisa badan kama uusan dhicin wax badan, halgankii loo galay gobonimada, markii dambese waxa uu hirgashay in fartan laatiinka ah ee aan adeegsaneynno la meel-mariyey.

Soomaalidii Carabiga u ololeyneysay in kasta oo lagaga adkaaday hirgelinta fartii ay wateen, hadana ma aysan ku qancin marna in far Soomaaligu ay ina baahi tiri karto. Xilligii far Soomaaligu cirka mareysay (1972-1990) aragtida wadaaddada hoos bey u shuuqday, wallow ay hoos ka guuxayeen, balse markii dalku nidaam ahaan u dumay, ayey far Carabigii noqotay farta akhrin iyo qoraal aad u hirgashay, tii Soomaaligana waxayba ku sigatay in gebi ahaanba meesha ay ka baxdo.

Ilaa iyo hadda af Carabiga aragtidii wadaaddada ee Diinta waa sideedii, dhammaan hay’adahooda waxa ay ku shaqeeyaan af Carabi, iyaguna afka ugu badan oo ay ku wada xiriiraan waa Carabi; golayaashooda ay ku kulmaan, sida, WattsApp-yada, Yahoo Group-yada iyo kuwa la halmaala, waxa ay ku wada xiriiraan oo qoraalllada u adeegsadaan af Carabi. Af Soomaaliga goobahaas waa lagaga xishoodaa in wax lagu qoro, wax lagu soo qorayna lama xiiseeyo; af Soomaaliga waxaa loo adeegsadaa ku-hadal inta badan.

Dhalinyarada afka Carabiga wax ku baratay ee wax ku akhrida iyo kuwooda wax ku qora, waxa ay afka Soomaaliga u yaqaannaan af aan dhammeystirneyn oo aan sahlaneyn in wax lagu akhriyo, waxna lagu qoro. Qaar ka mid ah dadka Carabiga u ololeeya, gaar ahaan, kuwooda wax qora, af Soomaaliga ma ay jecla, sababahana waxaa ka mid ah, qaarkood maba u yaqaanaan qoraalkiisa si xirfadeysan, kolka, hoos u dhaca ka haysta aqoon la’aantooda ayey ku qariyaan iney eed dusha ka saaraan qoraalka farta afkeenna.

Soomaalida afka Carabiga adeegsata waxaa ku badan doodahooda, in aysan afka Soomaaliga wax ku qorin, waxna ku akhriyin, isla markssna farta Soomaaligu ay tahay far laga wahsanayo in wax lagu akhriyo, iney wax ku qoraanna intooda badan maba yaqaannaan.

Af Ingiriiska

Af Ingiriiska, qoraal iyo akhrin waa uu ka horreeyey afkeenna, waxaana intiisa badan uu la socday gumeystihii reer Yurub, gaar ahaan boqortooyadii Ingiriiska oo dhulka Soomaalida saddex qeyb oo ka mid ah gacanta ku dhigay, kuwaas oo ku hoos nolaa xukunkiisa, sida, Soomaali galbeed oo uu markii dambe Itoobiya ku wareejiyey, NFD dhulkii loo yaqaannay oo uu isna Kiinya ku wareejiyey iyo Somaliland oo uu madax-banaani siiyey 26-06-1960-kii, afar maalmood ka dibna la midowday koofurtii Soomaaliya oo Talyaangu gumeysan jirey.

Waxaa jiray aqoonyahanno caddaan ahaa oo afka Ingiriiska wax ku qori jirey oo weliba dadkeenna iyo dhulkeenna wax ka qori jirey; sidoo kale, waxaa jirey Soomaali baratay af Ingiriiska oo afkaas wax kaga qori jirey dhulkooda iyo dadkooda.

Markii farta Soomaaliga la hirgeliyey dadkii Ingiriiska wax ku qori jirey, caddaan iyo Soomaali, in afkeenna uu far yeesho dagaal rasmi ah lama aysan galin, kamana uusan muuqan runtii, waayo, qaramada midoobay oo la yagleeley sanadkii 1945-tii, ayna sameynteeda hormuud u ahaayeen dalalkii ku guuleystay dagaalkii labaad ee dunida, waxa ay sameysay hay’ad gaar ah oo u qaabilsan afafka iyo dhaqanka (UNESCO) in afkeenna far loo helo oo weliba far Soomaali sidan ah la qorana waa ay ka qeyb qaadatay in la hirgeliyo, wallow wadaaddadu ku sheegaan in UNESCO ay meesha ka saareysay af Carabiga.

Markii hannaankii dawladnimo ee Soomaaliya uu burbursanaa ku dhawaad toban sano, (1991-1999) ayaa af Ingiriisku soo laba kacleeyey, iyada oo magaalooyinka dalka Soomaaliya  laga furay dugsiyo sare oo afka Ingiriiska wax lagu dhigo; intaas waxaa dheeraa, dadka jaamacadaha heerarkooda kala duwan wax ku soo baranayey afka Ingiriiska oo ay ka mid yihiin, Soomaalidii dibadaha ku dhalatay, ama ku koray, kuwa dalalka dibadaha wax ku barta iyo qeyb aan badneyn oo kuwa afka Ingriiska dalka gudihiisa ku bartay ka mid ah, kuwaas oo intooda ugu badan aan adeegsan afka Soomaaliga qoraalkiisa; waxay isugu jiraan kuwo ay aqoon la’aan ka tahay oo haddana iskala weyn iyaga oo jaamacado ka soo baxay iney xirfadda qoraalka Soomaaliga ay yeeshaan, kuwo ilbaxnimo ka raadinaya iyo kuwo ka xishoonaya iney bartaan.

Afkeennu waxa uu haystaa taageero ka ballaaran fursadaha ay haystaan afafka kale, waayo, waa afka dhaxalkeenna ah oo suugaanteenna iyo dhaqankeennuba ku saleysanyihiin, bulshadeenuna ku wada hadasho, xataa kuwa wax akhrintiisa iyo wax ku dhigiddiisaba ka fallaagoobay, waana halka uu ka jabi la’yahay afkeennu; afafka Carabiga iyo Ingiriiska, taageero la taaban karo waa ay haystaan, balse awoowayaal iyo ayeeyooyin ma laha, qolyaha xitaa dura qoraalka farteenna, waxa aysan ka maarmi karin ku hadalka afkeenna oo af ay ku bedelan karaan ma ay haystaan.

Waxaa xusid mudan in afka Talyaaniga dad yaqaanna oo wax qorid iyo wax akhrinba u adeegsada ay jiraan, wallow waagii hore ay badnaayeen, waxaana jira qormooyin wax ku ool ah oo markii dambe la Soomaaliyeeyey oo halgankeennii ka hadlayey o af Talyaani ku qornaa iyo qaar weli ku qoran afkaas

Marka la soo xooriyo saddexda af ee qormadeennu diiradda saartay iyo afafka kaleba in la wada barto, akhrin, dhigaal iyo ku hadalba waa ay habboontahay, ee waxa aan meesha qaban, in qofku waxa uusan garaneyn uu liido ama uu duro

 

XEERKA ABTIRSIINTA ERAYGA AF-SOOMAALIGA

XEERKA ABTIRSIINTA ERAYGA AF-SOOMAALIGA

By: PenDrIbrahim

Moment RESEARCH Consultancy

Qalinleyda & Qoraaladda – Waxaan akhriyey oo aan aad u dhuuxay buugga magaciisu yahay “Abtirsiinta Erayga Afsoomaaliga” ee uu qoray Caliqeyr Muxumed Nuur. Bilowgii waxa ugu horreeya ee i soo jiitay waa maabka dusha sare, markii dambe ayaan gudaha buugga ka ogaan doonaa in qoraagu ula jeedo qariidadda af Soomaaliga. Taasina sax ma aha marka laga eego jasiiradda Suqandara oo la oran karo maanta waa dhul af Carabi looga hadlo, waana jasiirad ka tirsan dalka Yemen.

87B2E6F2-5FDD-425D-A29E-E48F1C7EDFAC
| PenDrIbrahim– Sociology is the study of society, patterns of social relationships, social interaction, and culture that surrounds everyday life. It is a social science that uses various methods of empirical investigation and critical analysis[4]:3-5 to develop a body of knowledge about social order and social change.[4]:32-40 Sociology can also be defined as the general science of society. While some sociologists conduct research that may be applied directly to social policy and welfare, others focus primarily on refining the theoretical understanding of social processes. Subject matter can range from micro-level analyses of society (i.e., of individual interaction and agency) to macro-level analyses (i.e., of systems and the social structure).

Dusha sare ee buugga waxaa kale oo isoo jiitay weerta qoraaga oo ah “Waa buug ku baraya afsoomaaliga oo dhan mana jiri doono eray aadan aqoon ujeeddadiisa guud”. Si taas la mid ah dhowr xeeldheerayaal oo buugga wax ka yiri ayaa waxaa ka mid ah Dr. Anwar Maxamed Diiriye, Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo Dr. Georgi L. Kapchits. Intuba waxay muujinayaan yididiilo iyo ammaan. Tusaale ahaan Dr. Anwar wuxuu oranayaa “Raadgurka cilmi cusub oo aan hore loo ogeyni waxa uu astaan togan u yahay kartida, dulqaadka, geesinnimada, kalsoonida & dhabar adaygga hal-abuurka dhiirran! Caliqeyr M. Nuur, waxa uu ibafuray xikmad afka Soomaaliga u dahsoonayd; Waxa uu soo xaarey guntii sirta ereyga; Waxa uu firsoocay ‘ab’ asalkiisa & isirkiisaba aan hore loo hollin loona ijtihaadin ogaalkay. Buuggani waxa uu biladdaye u noqon doonaa fahamka guud ee unugga ereyga AfSoomaaliga.”

Dhammaan arrimahaas aan soo sheegay waxay igu qaadeen in aan buugga ka gungaaro, in aan baaro wixii laga yiri (peer reviews) iyo weliba inaan warsado isla qoraaga si aan diidmo iyo taageeraba ula wadaago. Saddexdaas qodob ayey ku salaysan tahay qormadeydaan iyo weliba sida aan anigu u arkay. Dhaliil iyo ammaanba waxay ila noqotay in aanan ka aammusi karin wixii aan ogaaday.

Waa maxay abtirsiinta eraygu?

Abtirsiinta eraygu waa laba aragtiyood oo is barkan kana kooban 180 eray oo sida uu qoraagu qabo aasaas u ah afka bini’aadamku ku hadlo iyo xeer ka kooban toban qodob oo hab cusub u kala saafaya erayga. Haddii aan sii bidhaamiyo xeerka iyo 180 eray sidaan ayey isula shaqeynayaan:

1.Boqol iyo siddeetanka eray: Waa erayo ka kooban hal shaqal iyo hal shibbane, mid kastaana qoraagu wuxuu raaciyey macnihiisa waana erayada uu ku sheegay inay aasaas u yihiin afafka aadanaha oo dhan.

2. Xeerka abtirsiinta erayga: Waa xeer ka kooban toban qodob oo doorkiisu yahay keliya in uu kuu kala saafo erayga kaagana soo dhex saaro erayo ka kooban hal shaqal iyo hal shibbane. Marka uu xeerku ku siiyo erayadaas ayaad dib ugu noqonaysaa 180ka eray si aad u ogaato macnaha erayadaas, sidaas ayaad ku helaysaa macnaha asalka ah ee eraygaas.

Tusaale ahaan erayga “abaal” wuxuu xeerku u kala qaadayaa “ab – aal”. Haddana qodobka labaad ee xeerku wuxuu oranayaa “Hal shibbane haddii ay laba shaqal oo isku mid ahi gadaal ama hore ka marto waxaa shaqalladaas laga qaadanayaa hal keli ah”. Marka qodobkaan la raaco eraygii “Ab–aal” wuxuu noqonayaa “ab – al” oo wuxuu waafaqayaa qodobka koowaad oo sheegaya in salka eraygu yahay hal shibbane iyo hal shaqal. Marka aan sidaas ku helnay “ab” iyo “al” kaddib ayaan macnahooda ka baaraynaa taxda 180ka eray oo mid kastaaba gaarkeeda kuugu fasiraysa sidaasna waxaa kuugu soo baxaya macnaha dhabta ah ee ‘abaal’ sida qoraagu qabo.

Xeerka Caliqeyr mar walbaba wuxuu erayga kaa tusayaa dacal kale oo ka duwanaan kara sidii loo yiqiin, haddii si loo fiiriyana maangal noqonaya. Haddana ila arka tusaale aan ka keenay bogga 26aad ee buugga oo uu ku fasirayo erayga “laba”. Hadafkeygu waa in aan aragno sida ay isula shaqeynayaan xeerka iyo 180ka eray.

4. Laba –da (m):  Tirada u dhexeysa kow iyo saddex.

Qodobka 4aad ee Xeerka Abtirsiinta Eraygu wuxuu jidaynayaa in eraygii ka kooban laba shibbane ama wax ka badani uu noqonayo laba eray ama in ka badan oo midowday. Sidaas awgeed, erayga ‘laba’ wuxuu u kala dhambalmayaa la + ba.

La = La’aan; wax li’i; ayaanka la’aanta oo uu lidkiisu  yahay al.

Ba = Dhammaad; baabba’. Ba waa ayaanka geerida ee lidka ku ah ab oo ah ayaanka taranka iyo samaanta.

Dhaqanka jiritaanku waa in aanay jirin walax kaligood raagi kara haddii aanay helin lammaane dheelli-tira. Sidaas awgeed wixii ahaa kow ama mid qura haddii ay helaan mid kale waxay noqonayaan kuwa la’ ba’ oo aanan ba’i doonin. Misana sidaas ayey lammaanihii ku noqonayaan ba’ la’ aan ama la-ba.

Sida ka muuqata tusaalaha kore fasirkaasi wuxuu kulminayaa saddex xagal oo kala ah, macnaha tooska ah ee erayga, macnaha dahsoon ee asalka ah iyo macne xiriirinaya labadaas oo sheegaya sababta ka dambeysa in aan lambarkaas ugu yeerno “laba”. Inta ogaalkeygu yahay weli lama arag laan afeed oo sida tan oo kale u dhaadhacda macnaynta qurubyada eraygu ka dhismo.

Dhaliilaha Xeerka Abtirsiinta Erayga

Intii aan qormadaan diyaarinayey waxaan baaray gebi ahaan wixii qoraal laga sameeyey aragtidaan cusub. Dhaliilahaas oo ka kooban kuwa aan akhristayaasha ka ururiyey, kuwa aniga ii gaar ah iyo qormooyin aan internet-ka ka helay ayaan halkan idinkula wadaagayaa, dabcan marka teyda laga reebo inta kale wax baan ka oran doonaa sida aan u arko.

Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo wuxuu qoray gorfeyn uu cinwaan uga dhigay – Xeerka abtirsiinta erayga af Soomaaliga iyo sidaan arko. Qormadani aad ayey u dheer tahaywaxaanse is dultaagayaa dhowr qodob oo ah nuxurka qormadaan.

  • “Xeerkani wuxuu ka hor imaanayaa habka astaynta soohdimaha alannada ee la yiqiin.”

Inta aanu Barwaaqo sidaas qorin wuxuu soo dulmaray hababka erayga loo kala saafo, habdhismeedka naxwaha afafka iyo habraacii qoraalka far Soomaaliga. Halkaan waxaad mooddaa in uu Barwaaqo seeggan yahay waxa uu buuggu ka hadlayo. Xeerarka afafku waxay darsaan eray dhisan, waxayna baraan habka erayadu iskugu xirmaan, balse aragtida Caliqeyr way ka gun dheertahay xeerarkaan oo waxay la macaamilaysaa qurubyada uu eraygu ka samayso. Marka la cuskado naxwaha, sarfiga iyo xeerarka maanta la yaqaan qof waliba waa uu beenin karaa aragtidaan cusub. Qofkii aragtidaan gorfeynaya waxaan kula talin lahaa in uu la aado laamaha lagu darso asalka afafka, sababta oo ah waa aragti ka hadlaysa afkii Aadan & Xaawo (CS) oo kulama doodi karno xeerarkii far Soomaaliga ee 1973kii ama kuwa aan sidaas uga horreyn. Marka aad eegto tixraaca seeska u ah doodda Barwaaqo waa qaamuusyo, buug suugaaneed, maqaallo ka hadlaya habdhismeedka af Soomaaliga iwm.

  • “Aragtiyaha is burinaya”.

Qodobkaan wuxuu Barwaaqo ku qaadaa-dhigay aragtiyo is burinaya. Tusaale ahaan wuxuu oranayaa: “Ayaan: Bogga 9aad ee buugga, wuxu qoruhu inoo sheegay in eraygaasi yahay mid ka mid ah 180ka eray ee dhaliya af Soomaaliga. Haseyeeshee, kolka aad eegto shaxda 180ka eray ee aasaaska u ah af Soomaaliga ee ku xusan bogga 12aad, eraygaasi kuma jiro.”

Halkan wuxuu Barwaaqo kala jarayaa weer saddex hakad leh oo haddii la wada qori lahaa uu macnuhu iska caddaan lahaa. Boggaas 9aad wuxuu qoraagu ku oranayaa: “Ayaan: Mid ka mid ah 180ka eray ee dhaliya afsoomaaliga. Tusaale –ayaanka Ab wuxuu lid ku yahay ayaanka Ba’. Ayaanka Ar isaguna waa lidka ayaanka Ra”.

Halkaan iyo qormooyinka dambe ee buuggaba waxaa ku cad in erayga “ayaan” uu qoraagu u adeegsaday eray-bixinta 180 eray ee uu yiri waa salka afafka. Inta aad buugga akhrinayso waxaad arkaysaa –ayaanka el, ayaanka om, ayaan sa, ayaanka ig iwm. Meeshaan Barwaaqo wuxuu dhaliilayaa weer aanu fahmin ama uu si ula-kac ah u kala reebay hadal is kaamilaya.

  • In xagga hadalka ay carruurta Soomaalidu ka duwan tahay kuwa dadyowga kale.

Barwaaqo wuxuu oranayaa “Carruurta Soomaaliyeedna waxa lagu tilmaami karaa inay yihiin carruurta qudha ee adduunka eray ujeeddo leh ku hadaaq barata, kana boodda ama ka tallaabsata jaranjar ka mid ah kuwa loo maro barashada afka hooyo”

Tani waa dhalanteed, mana sheegi karo meel uu Barwaaqo ka soo xigtay. Carruurta Soomaalidu sida ilmaha dadyowga kale ayey u hadaaqaan sanadka hore. Waxaad mooddaa in odaygu sheegayo wax kasta ee lagu iba-xiri karo aragtidaan. Marka aad kor ka eegto dhaliishiisu waa qormo habeysan oo runsheeg u eg, laakiin marka aad sidan oo kale qodob qodob isu dultaagto kuma arkeysid run ama wax u babac-dhigi kara Xeerka Abtirsiinta Erayga.

Ibraahim Yuusuf Axmed “Hawd” oo ah qoraa ku caana lafagurka qoraallada iyo aragtiyada soo ifbaxa ayaa isaguna ka mid ahaa akadeemika taageerada u muujiyey Xeerka Abtirsiinta Erayga. Hawd, wuxuu qormadiisa ku oranayaa “Waa buug ina baraya af soomaaligu sidiisaba in uu ka curto ama ka unkamo 180 dhawaaq oo giddigii asal u ah. Afka aynnu ku hadlaynno oo dhani in uu ka koobnaado 180 cod, sidaana lagu baran karo ayaa ah cajabta ugu weyn ee meesha igaga soo baxday. Haddii ay taasi rumowdana kollay anigu aragtidii aan ka haystay bilawga iyo abuurta afka waxaa ku dhacaya afgembi weyn”

Meel kale oo qormadiisa ka mida ayuu Hawd ku cabbirayaa heerka qanaacadiisa iyo taaba-galnimada aragtidaan cusub, wuxuu yiri: “Midina waa biyakamadhibcaan oo buugga uu Caliqeyr M. Nuur ina soo hordhigay waa buug dhisan oo ciddii culuunta af soomaaliga raadisaa weligeed ku hakan doonto. Fikradda ku qorani iyada oo ah wax innagu cusub oo ka duwan wixii aynnu abuurta afka ka naqaannay, haddana qoraagu sida uu wax u soo bandhigay cid walba wuu kaga gar helayaa. Kollay anigu yaabka aan buugga ka la kulmay waxaa ii dheer garawshiinyo iyo hamrasho buuxda oo aan siinayo, waayo waxaa la ina hor dhigayaa tusaalooyin cadcad oo muran inoo diidaya.”

Abuukar Albadri oo ah qoraa iyo suxufi ayaa isaguna qoray maqaal uu cinwaankiisu yahay “Afsoomaaligii oo abtirsiimo loo helay”. Qormadan waxaad mooddaa in qoraaga aad loogu taageerayo, waxaana ka muuqata in isaga iyo Caliqeyr ku kulmeen bar buugga lagu soo bandhigayey. Qormada Albadri oo aad u dheer waxay 180ka eray ku koobeysaa af Soomaaliga. Tusaale ahaan suxufigu wuxuu oranayaa “Buuggu wuxuu gebi ahaanba u abtirinayaa erayada Af Soomaaliga, wuxuuna soo bandhigayaa waxa ay ku fadhiyaan macne ahaan tirooyinka Soomaaliga, isagoo qoraagu sheegayo xiriirka ka dhexeeya tirooyinka Soomaaliga iyo roobka ama cimilada guud ahaan”.

Doodi kama taagna in buuggu si qoto dheer uga hadlayo kalandarka Soomaalida iyo macnaha tirada (0 – 100) isaga oo lambar kastaaba ku saleynaya meerto ay marto cimilada dhulka Soomaalidu degto. Waxaase meesha ku jirta in uu qoraagu aragtidiisan ku sheegayo mid kulminaysa afafka jira oo dhan, meelaha qaarna uu xeerka ku saleynayo erayo ka yimid afafka Oromo, Konso, Sanskrit iwm. Aragtidaan waxaa ii sii bidhaamiyey su’aalo aan qoraaga naftiisa warsaday iyo bandhigyadii uu dalka Sweden ku qabtay oo uu xeerkiisa iyo erayadaan ku salaynayey afafka qalaad, gaar ahaan kuwa Jermaanika (Germanic languages).

Mar aan qoraaga weydiiyey in xeerkaanu quseeyso af Soomaaliga oo keliya iyo in uu yahay mid koobaya afafka oo dhan, wuxuu yiri: “Laba arrin baa mudan in la kala saaro. 180ka eray waa salka afafka oo fagaarayaal badan ayaan ku soo bandhigay, cidna dood ma gelin sida aan u muujiyey. Xeerkuna waa sidaas oo kale oo afafka oo idil baa loo adeegsan karaa. Haa, way jiri doonaan qodobbo ay lama huraan tahay in loo sameeyo farqado sii ifinaya si loogu maareeyo codad afafka qaar u gaar ah”.

Artagtida buuggu ku qotomo

Asalka afka aadanaha xaggee ayuu ka soo jeedaa? Sidee ayuu ku bilowday afka lagu hadlo? Goormee ayuu bilowday? Raadgurka su’aalahaas waxay qarniyo badan xiisad iyo loollan aragtiyeed ka abuurayeen inta u dhexeysa maamiyayaasha (philosophers) af-aqoolka ah, saynisyahanka, wadaadada diimaha, qorayaal caadi ah iyo qorayaal igman oo ugu xagliya aragtiyo siyaasadeed.

Daahfurka Caliqeyr ee abtirsiinta eraygu wuxuu qaanad ka gelayaa baadi-goobkaas asalka afka aadanaha ama haddii si kale loo yiraa ‘furista halxiraalaha ugu adag ee la soo darsay cilmi-baarayaasha af-aqoolka’. Waxa ka dhigay halxiraale adag waa iyadoon kayd qoran laga hayn ab-awaladii hore iyo codka dadeed oo aan ahayn adke (solid matter) lagu maarayn karo shaybaarka hoostiisa.

Ma jiro waqti go’an oo la oran karo xilligaas ayey bilowdeen raadraacyadani, waxaase la sheegaa in uu bilowgeeda lahaa boqorkii Psammetichus oo ku beegan boqortooyadii lix iyo labaatanaad ee Reer Fircoon. Markase laga hadlayo asalkii afka, laba jid bay ku kala arooraan culimada af-aqoolku oo waxay kala qaateen laba marin oo kala ah: 1) Aragtida abuur-doonka (revolutionary paleoanthropologists) oo uu salkeedu yahay diimaha iyo maamiyada diimaha u janjeerta. 2) Aragtida abuur-diidka (evolutionary paleoanthropologists) oo iyadu ku abtirsata Charles Darwin, qabtana in ay wax waliba ku yimaaddeen kuna horumareen tadawur dabiici ah.

Laamaha af-aqoolka kuma jirto laan u fadhiidday sida ta lagu baaro asalkii afafka, mar waxayba gaartay heer laga diido golayaasha wax-barasho. Waxaa dhacdooyinkaas tusaale u ah in sannadkii 1866dii ay hay’adda lagu magacaabo “Bulshada Af-aqoolka Baariis” (Linguistic Society of Paris) ay gebi ahaanba irdaha ka xiratay wax kasta ee sal ku leh baadi-goobka curashadii afafka.

Aragtiyada abuur-doonka ah inkasta oo ay qirayaan in afku yahay abuur Alle haddana aragti kasta waxay hoosta ka xariiqdaa in asalka afka aadanuhu yahay kii ay ku soo degtay diintoodu ama ka ay ku hadasho hadba qowmiyadda uu qoraagaasu ka soo jeedo.

Aragtida Caliqeyr waxay raacaysaa laamaha abuur-doonka ah ee rumaysan in afku yahay abuur Eebbe. Dhanka kale, aragtiyadii hore waxay mudnaanta siin jireen daliilaha aragtida (theoretical evidence) ka dhigi kara maangal, waxayse ku wada fashilmeen daliilaha waaqiga ah (empirical evidence). Sababtaasi waa tan dhamaantood ku kulmisay magaca ah “Aragtiyada Male-Awaalka” ilaa ay gaaraan heer irdaha loo laabo. Maanta way yar tahay tixraac weyn oo aad laamahaan ka xigan karto.

Si taas ka beddelan, aragtida “Abtirsiinta Erayga” waxay uga duwan tahay wixii hore oo dhan shan qodob oo leh daliilo waaqici ah. Waxaa ka mid ah.-

  • Erayo tirsan oo uu qoraagu ku doodayo in ay yihiin salkii afafka. Isaga ka hor, ma jirto aragti la timid, sax ama khalad, erayo kooban iyo sal kulminaya afafka dadyowga.
  • Macne sugan oo ay erayadaasi leeyihiin. Macnaha qurubyadani (word particles), waxay kuu fasirayaan eray kasta afkii uu doonaba ha ahaadee.
  • Xeer kaabaya helitaanka 180kaas eray. Waa xeer ku jaango’an habdhismeedka qurubyada salka u ah afafka, sida uu qoraagu qabo.
  • Erayo isu dheelli-tiran. Waa erayo ka kooban 90 tabane ah iyo 90 togane ah oo warka isula dhisaya si isku miisaaman. Marka aad eegto habka erayadani isula falgelayaan iyo macnahoodaba waxaad arkaysaa dheellitir ka weyn maskaxda aadanaha, waana arrinka adkaynaya doodda qoraaga ee ah in afku yahay abuur Alle.
  • Dhawaqyada afafka aadanaha oo aanan sinnaba ugu dhex-bixi karin shaxda 180ka eray.

Sida aan arkayo daahfurkani ma keenin oo qura erayo sal u ah afafka aadanaha balse wuxuu la yimid macnahooda, xeerkooda iyo weliba daliilahooda. Waa arrin ka durugsan heerka ay

qorayaasha Soomaalidu kula dabaaqayaan oo ah in qormadu diiddan tahay xeerarkii af Soomaaliga ama in aanay xeerin lahjadaha aan ahayn maxaatiriga. Aad bay u kala fog yihiin waxa buuggu ka hadlayo iyo waxa ay qorayaashu ka dhigayaan dhaliil.

Gunaanad

“Xeerka Abtirsiinta Erayga” wuxuu marti u yahay cid kasta oo danaysa horumarinta afka, waana aragti bari-taaraysa cilmi-baarisyada afeed ee rumaysan jiritaanka Alle. Waxaan qabaa in arrinkaan dooddo lagala yeesho qoraaga, laga dalbo sharraxaad iyo caddeymo dheeraad ah, la geliyo xujo, mudnaantiisana la siiyo.

Marka laga yimaado qoristii far Soomaaliga waxaa xagga af Soomaaliga ku soo kordhay laba arrin oo qura oo lagu tilmaami karo daahfur cusub, midi waxay ahayd Miisaanka Maansada, aragtidaan lama siin mudnaan u dhiganta waxaana cuuryaamiyey is qabqabsi iyo isla sheegasho. Waxaanba oran karaa kobcinta iyo ka faa’iidaysiga “Miisaanka Maansada” waxaa ka tan badiyey kala jiidashadeeda.

Talaabadii xigtay ee la dhihi karo daahfur cusub waa “Abtirsiinta Erayga” oo afsoomaaliga ka sokow noqonaysa aragtidii u horreysay ee qof Afrikaan ahi ku biiriyo cilmi-baarisyada asalkii afka aadanaha. Isagu weliba wuxuu cilmi-baarisyadii hore dheeryahay shantii qodob ee daliilaha waaqiciga ah ee aan kor ku soo xusnay.

Dhanka kale, qoraagana waxaa looga baahan yahay in aanu aragtidaan uga harin qaanadaha maktabadaha balse uu raaciyo bandhigyo ama qormooyin kale oo kaabaya in la fahmo iyo in ay sii faafto. Ka cilmi-baare ahaan, aad ayey iiga daadegtay in daahfurkani yahay xaqiiq biya kama dhibcaan ah.

PenDrIbrahim – Strategic Communications (Master of Professional Studies) – Moment RESEARCH Consultancy : 

| PenDrIbrahim– Sociology is the study of society, patterns of social relationships, social interaction, and culture that surrounds everyday life. It is a social science that uses various methods of empirical investigation and critical analysis[4]:3-5 to develop a body of knowledge about social order and social change.[4]:32-40 Sociology can also be defined as the general science of society. While some sociologists conduct research that may be applied directly to social policy and welfare, others focus primarily on refining the theoretical understanding of social processes. Subject matter can range from micro-level analyses of society (i.e., of individual interaction and agency) to macro-level analyses (i.e., of systems and the social structure).

——-—-——————

Qalinleyda & Qoraaladda

—————————–

Tixraac

  1. Caliqeyr Muxumed Nuur. 2009. Abtirsiinta erayga afsoomaaliga. Sweden.
  2. Christine kenneally. 2008. First word: the search for the origins of language. London.
  3. Lepschy Giulio. 1994. History of Linguistics: the Eastern Traditions of Linguistics. London.
  4. Ibraahim Yuusuf Axmed “Hawd”. 2018. Buugga Abtirsiinta erayga af soomaaliga. www.weedhsan.net.2015. Xeerka Astaamaynta Qoraalka. Suradnews.com
  5. Abuukar Albadri. 2010. Af Soomaaligii oo Abtirsiimo loo helay: Qormo Faaqideysa Cilmi-baaris muhiim ah. www.somalitalk.com
  6. Cabdiraxmaan F. Barwaaqo. 2015. Xeerka Abtirsiga Erayada Iyo Sidaan u Arko.www.docslide.net.
  7. Yaasiin C. Keenadiid. 1976. Qaamuuska Af- soomaaliga. Muqdisho.
  8. Kwang Hyun Ko. 2016. The evolution and origin of human language: a biological perspective. Hanyang University Research.
  9. Mohammad Nehal and Mohammad Afza. 2012. Origin and Evolution of Human Language – A Brief Survey of Some Theories and Approaches. India.
  10. Mustafa Shah. 2011. Classical Islamic Discourse on the Origins of Language: Cultural Memory and the Defense of Orthodoxy. London.
  11. Cabdillaahi Diiriye Guuleed. 2003. Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. Sweden.
  12. Georgi L. Kapchits. 2005. Sentence particles in the Somali language and their usage in proverbs. Moscow.

 

 

Iran: detention of mother tongue volunteer teacher

28F0504E-F711-4916-9CA8-F8B6107C8135Sanandaj, Iran
10 June 2019

PEN International strongly condemns the detention of Zara Mohammadi, a Kurdish language teacher, since her arrest at her home on 23 May 2019, by Iranian security agents who confiscated her phone and computer. Mohammadi has been arrested along with her two colleagues, Edris Minbari and Rebwar Minbari, due to their volunteer activities in teaching Kurdish children writing and reading in their mother tongue. On 25 May, both Minbari and Minbari have been released, however Mohammadi was held incommunicado for a few days. She has been then transferred to a prison in Sina where she is currently detained. Continue reading

TIRAAB-CURINTA TOOLMOON – Q1 & 2

Tiraab-curinta Toolmoon (Q.1aad)

AAN YARA DALXIISNO

Safar.. safar.. safar.. safar..

87B2E6F2-5FDD-425D-A29E-E48F1C7EDFAC

Qofka noloshiisu waa safar aan kala go’ lahayn. Safar malyuun weji leh ayaa bani’aadmigu maalin walba galaa, oo kala kaan ah, kala maan ah.. kala midab ah, kala dhadhan ah, kala waayo ah, kala door roon

oo dareemmo kala duwan qofka ku beera. Safarro aan isku socdaal ahayn oo kala hayaan iyo hiraal durugsan. Kuwo badda loo fuulo, kuwo berriga loo raaco, kuwo hawada sare la cirjiidho. Kuwo qaxar iyo kadeed laga la kulmo, iyo kuwo rayrayn iyo raxmaad laga dheefo.

Waa baadigoob isdaba jooga oo qofku ugu jiro siduu cucubka iyo ciriiriga nolosha uga bixi lahaa oo sareedo la mahadiyo ku gaari lahaa. Dabiicadda qallafsanaanteeda, dabaylaheeda, danabyadeeda, daacuunkeeda, duufaankeeda, iyo dadcunkeeda in laga reeyo oo guul laga soo hooyo, waxaa kun jibbaar ka adag kan qofku kula jiro naftiisa hawaawigeeda iyo hankeeda waalan sidii loo xakamayn lahaa. Aniguna maalmahan ayaan ka soo jeestay safar aan beryahan isku jirney oo imminka aan dhinac isaga riday. Continue reading