Afka Soomaaliga Ma Af La Ag Dhigaa Jira?

imageWaxaa hubaal ah, in Afka Soomaaligu ka mid yahay, Afafka ugu qanisan ee Dunida lagaga hadlo. Xeel dheerayaasha dhinaca Luqadaha ama Afafku, waxay si weyn u xaqiijiyeen ama rumaysan yihiin in Afka Soomaaligu yahay mid aad iyo aad u balaadhan, oo leh baaxad iyo qoto dheeri uu kaga mid noqdo kuwa ugu horeeya afafka Dunida ka jira, Arrintaassi waxay ka marag kacaysaa inuu ku abtirsado Dhaqan hufan oo soo jireen ah, oo ay Bulshada Af-Soomaliga ku hadashaa iska leedahay, kaas oo ah Dhaqan aad u facweyn, Meelaha ay Aqoonyahanadu ka eegeen ee Tusaalaha Cad noqon kara waxa ka mida dhinaca suugaanta gaar ahaan Maansada iyo Maahmaahda .

CDA3CF88-017D-4E40-B40D-C6540FE4C945

Pro; Gorj Kabji oo ah nin Ruushka ah, si weyna ugu xeel dheer Afka Soomaaliga, islamarkaana qoray dhawr buug oo uu kaga hadlayo Dhaqanka iyo Maahmaahda Bulshada Soomaalida ayaa ka mid ah raga sidda weyn u Aaminsan in Afka Soomaaligu yahay Mid Hodan ah.

Sanadkii 2003 oo aan waraysi kula yeeshay Magaalada DJabuuti waxa uu iiga sheekeeyey Hufnaanta iyo Hodonnimada Af Somaaliga, Pro. Kabji waxa uu soo daliishaday tayadda iyo Tirada Maahmaahyaha Soomaaliga isagoo is barbar dhigaya kuwa ay Dadka Ruushka ahi adeegsaddaan.

hadalkiisana waxaa ka mid ahaa “Dadka Ruushku waa kuwa ugu tirada badan qoomiyada ku nool Qaarada Yurub, waxana lagu qiyaasaa ku dhowaad 150 Milyan, oo Qof haddana waxay leeyihiin ilaa (700) oo Maahmahood, halka Bulshada Af-Soomaaliga ku hadashana lagu qiyaaso ugu badnaan 18 Milyan oo qof, laakiin waxay leeyihiin in ka badan (5000) Shan kun oo Maahmahood oo aan Buug keliya ku wadda qoray, Afaf badan oo Aduunka ahna aan ku wadda turjumay, taasina waxay ii Cadaynaysaa in Afka Somaligu yahay mid Ballaadhan oo Hodan ah,

sidoo kale Pro. Martin Ownen wuxuu ka mid yahay aqoonyahanada sida weyn ugu dhuun daloola Suugaanta iyo Afafka dunida gaar ahaan afka Carabiga iyo Afafka lagaga hadlo Geeska Afrika sidda Afka Amxaariga iyo Afka Soomaaliga,

Pro. Awen oo u dhashay Dalka Ingriiska waxna ka dhiga Jamacada Oxford University ee Magaalada London waxa uu si weyn u Aaminsanyahay in Afka Soomaligu yahay mid ka mida Afafka ugu Hodansan Dunida isaga oo Cuskanaya Dhinaca Suugaanta , Pro. Awen oo aan isagana ku waraaystay Magaalada Adis Ababa 2004tii waxa uu ii sheegay in afka Carabigu Leeyhay 16 Badood oo loo Maansoodo laakiin ilaa hadda lama oga ama lama soo koobin Badaha Maansada ee uu leeyahay Afka Soomaaligu,inta iminka laga garanayaa waa (32) Badood oo ah Labanlaab marka loo eego afka carabiga Tusaale kale waxaynu ka dhigan karnaa Aabaha Miisaanka Maansada Somalida

Pro. Maxamed Xaashi dhamac Gaariye oo in badan ka hadlay xeeldheerida iyo Qaninimada Afka Somaliga, iyo Abwaanka weyn ee Caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo goobo badan ka cadeeyey inuu rumaysanyahay in aanu jirin Afka Xeeldheer Afka Somaliga ama ka Hodansan marka laga reebo Afka Carabiga oo uu Quraanku ku soo degey isku soo wadda duuboo waa hubaal inuu yahay Af Hodan ah, oo kelidii istaagi kara ama isbbixin kara Soomaaligu.

Dhinaca kale, waxa iyaduna hubaal ah inay jiraan Dad aad u badan oo Soomaali ah oo aaminsan inuu Afka Soomaligu yahay Af laysu keen-keenay ama Af aan tisqaad ahayn, fikirkaas oo runtii noqonaya (xogogaal la aaneey, Siddii xiinka ma I qaaday) ama aad arkayso in Dad badan oo u dhashay Gaar ahaan dhinaca Dhalinyarada aanay xogogaal u ahayn Afkooda Hooyo ama aanay wax figrad ah ka haysan haba yaraatee, taas oo ay waajib ku ahayd inayd inay Wakhti badan u huraan Barashada Afkooda Hooyo.

Yaan qalinku illa taraarine, maanta laba saddexdaas tusaale ee aynu sidda sarka xaadiska ah ugaga haddalay Afka aan ku soo koobo Qormaddan oo aan jeclahay inay hor dhac iyo Iba-fur u noqoto Barnaamijyo Suugaaneed aan Hodantinimmadda Afka iyo hawlaha laga qabtay ku dul-mari doono haddii eebaha Sareeya ee Hufani Ogolaaddo.

Xasan Maxamed Yusuf

Afka Soomaaliga Ma Af La Ag Dhigaa Jira? Q/2aad

Qormaddii tan ka Horeysey waxaynu si kooban ugu eegnay Xeel-dheerida Afka Soomaaliga iyo Qaninimmadda ku jirta, iyaddoo aynu Tusaalayaal Urursan Daliil uga dhiganay, laakiin gabagabaddii qormadaasi, waxaynu isku Xasuusinay inay jiraan Qaybo badan oo Bulshadda ka mid ah oo rumaysan in Afka Soomaaligu yahay Mid sabool ah oo ka kooban Afaf laysu keen-keenay, Figradaha Noocas oo kalle ah waxaynu ku tilmaanay inay yihiin qaar aan cilmi iyo Caqli toona ku dhisnayn, oo wax loo Cuskadaana aanay jirin, laakiin odhaah qudha ku kooban iyo erayo madhaleys ah.

Figradahaa iyo kuwa kalle ee la meeqaamka ahba, way fududahay in laga korro oo xaqiiqda la soo taabtaa.

Run ahaan, Qofka doonaya inuu ka bogto dhaqanka iyo Afka hooyo waxa barasho iyo Xogba ugu fillan, waa barashadda, Ururinta Suugaanta Af Soomaliga iyo fahanka macnaha qotadda dheer ee ku duugan, Hawraarta Afkeena ee Tix iyo Sheekaba isugu jirta.

Barrashada dhaqanka iyo caadooyinka noloshu ku salay-santahay ee Bulshooyinka adduunka inaad wax ka barato ama aad ka ogaataba, waxaa laysku raac-sanyahay inay kaaga filan-tahay Barashadda Suugaantoodu. Taas oo la hubsaday inaad si dhamaystiran uga helayso xog kasta oo kuu iftiiminaysa Nolosha Bulshadaasi Balse, inaad Suugaanta wax ka dheegato ama aad kalla soo baxdo waxaa ka horaysa, raadinta iyo Ururinta Suugaanta ka hadlaysa guud ahaan dhinac’yadda kala duwan ee nolosha Bulshada oo dhan. Marka ay arrintani suurta gasho, waxaa sahal noqonaysa sidda aad u kala saarayso adigoo raacaya dariiqooyin fudud oo ay kuwani ka mid yihiin;

Waxaad si fudud u gala soo baxaysaa ama aad ogaanaysaa Heerarka iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay bulshadu soo martay nooc kasta ha ahaatee sidda (Dhaqan. Siyaasad, I.W.M)

2 – Waxa kale oo aad si fudud u ogaanaysaa Xidhiidhadii ay Bulashadu lahayd iyo ciddii ay xidhiidhka la lahayd iyo weliba nooca uu xidhiidhku ahaa sida (Mid dhaqaale, mid waxbarasho I.W.M ). Qodobkan oo kale, waxa uu kuu iftiiminaynaa wax kasta oo ku soo kordhay Afka iyo dhaqanka Bulshada iyo weliba xiliga ay ku soo Kordheen,.Tusaale ahaan, xiligii uu gumaysigii reer Yurub dhulkeena haystay waxa la socday shaqaale badan oo ka soo Jeeda waddanka Hindiya, wakhtigaas waxa ku milmay afkeena Kelmedo badan oo ka soo jeeda afka Hindiga.

Tusaale kalena waxaynu u soo qaadan karnaa, Markii uu bilaabay is dhex galkii bulshadeena iyo Bulshada Itoobiyaanka ah ee Afka Amxaariga ku hadasha oo ah xiligii ay dagaaladu waddanka ka dhaceen iyadoo dhinac kasta ay u gudbeen erayo badan oo Dhinaca kale ahi.

Sidoo kale xidhiidhada bulshooyinka Meelaha ay sida weyn u saameeyaan waxa ka mida Huga iyo Hoyga ay Bulshadu leedahay oo is bedel ku yimaado.

3 – Qodobka sadexaad ee muhiimka ahi waxa weeye, Ogaanshaha aqoonta kala duwan ee Bulshada, Taas oo ah arrinta ugu muhiimsan in la ogaado, waana arrinta Tiir dhexaadka u ah Barashada dhaqanka iyo Nolosha Bulshada, Qodobkan waxa loo kala saari karaa qaybo muhiim ah oo dhamaantood macno weyn ku fadhiya, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Aqoonta Maamul ee Bulshada oo looga jeedo nooca ay tahay iyo Heerka ay gaadhsiisantahay aqoonta ay bulshadaasi isku maamulayso waxa hoos imanaysa, Xeerarkii iyo Nidaamkii ay Bulshadu ku kala hagi jirtey ee Nolosheedu ay salka ku haysey oo dhan, Dhaqaaleheeda iyo aqoontii ay ku Maamuli jireen, aqoontii guurka iyo dhismaha Qoyska, Aqoontii garsoorka iyo Cadaalada ,Bulshada oo ka mid ah Arrimaha lama Dhaafanka ah ee u baahan in si runa loo ogaado, inyar haddii aynu ku noqono, dhinaca Cadaalada Bulshadeena iyo sidda ay ahayd waxa Tusaale cad aynu ka dhigan karnaa qaar ka mida Maahmaahyada Soomaalida.

– Gari allay taqaan
– Gari Laba Nin kama wada qosliso
– Ilaahow aqoon hanagu cadaabin, Eexna hanagaga tegin

Akhristayaal kuwan iyo qaar kaleba waa Tusaale Cad oo suugaanteenu markhaati kaga tahay sida ay Cadaalada iyo Garsoorka u Heersareeyeen.

Aqoonta Xidhiidh ee Bulshada taas oo looga jeedo aqoonta ay Bulshadu kula xidhiidhi jirtey Bulshooyinka kale Nooca ay ahayd iyo aqoonta ay ku dhisnayd oo faa’iido badani ku jirto Ogaanshaheeda si loo fahmo Khasaare iyo Faa iido mida ay Bulshadaas lahayd mar kale ayaynu iyana halkaas ka sii waddi haddii Eebe Idmo.

Xassan Maxamed Yuusuf

Af-Soomaaliga Ma Af Loo Dhigaa Jira? Qaybtii 3aad

Qormaddii 2aad waxaynu ku eegnay Suugaanta iyolooga dheegto Aqoonta iyo Taariikhda ku duugan, Qaybatana waxaynu halkaa ka sii amba qaadaynaa halkii ay inoo socotey”

3- qaybata ugu danbaysa ee la xidhiidha Dhinaca aqoonta waxaa weeye , aqoonta dhinaca farsamadda, oo iyaduna xambaarsan aqoon Xeeldheer oo iyaduna qeexaysa aqoonta iyo caqliga fiican ee ku saaabsan Garashada dhinaca farsamada ee ay Dadkeenu lahaan jireen, u fiirso marka laga hadlayo aqoonta farsamada, waxaa haboon inaad niyada ku hayso in farsamada laga hadlayaa ay tahay tii Bulshadeena u gaarka ahayd, oo ay ka mid tahay Xeeshii iyo Aqoontii dhinaca daawadda, iyo Dabiibka oo ahayd mid aan debeda ka iman ee ay Dadkeenu gaar u lahaayeen, taas oo lagu daaweyn jirey Dad iyo xoolaba wixii xanuunsada,

Aqoonta farsamada waxaa hoos imanaya dhamaan Qalabkii ay Dadkeenu u isticmaali jireen Baahida Nolosha, sidda Aqalkii Soomaaliga iyo waxyaabaha uu ka koobanyahay, Tusaale ahaan Kebedda Aqalka lagu dhisi jirey inta badan waxa laga samayn jirey, Maydhaxda oo laga soo diiro Geedka Galoolka, taasna waxaa inoo sheegaya mid ka mida Tududucyada ay ka koobantahay Heesta ay Haweenku ugu Heesaan Kebedda, marka ay samaynayaan oo ay had iyo goor isugu wadda yimaadaan kaas oo ah (Geedba Gedka u dheer laga garaacyeey Galool mudhay Mulaaxdiiyeey) tuducaas oo macnihiisu noqonayo in Geedka galoolka la yidhaahdo oo weliba intiisa u fiican la xushay in Maydhaxdiisa la soo diiray oo laga sameeyey.

Waxba Qalinku yuu ila taraarine intaas kooban waxaan ku dhaafayaa Hababka Cilmiga ah ee sidda ugu sahlan wax loogaga barto Suugaanta kuwaas oo leh dariiqooyin aad xaqiiqda isku dultaagi karto.

Laakiin, akhriste inta aynaan Qodobada ka fogaan waxaa ila qumanaatay inaynu wax xoogaa ka soo qaadano gabayga Caanka ah ee uu tiriyey abwaanka weyn Cabdulaahi Macalin (Dhoodaan) oo ah Nin loo Daba fadhiisto Af-Soomaaliga iyo Dhaqanka, iyo Dabeecada Soomaalida, Gabaygaas oo uu kaga hadlayo dhirta iyo wax tarkeeda lana yidhaahdo (Dhugad). Wuxuu yidhi;

Caanaha Dharkaynka iyo hadaan Dhirindhir soo Hoorsho

Oo aan Dhamaajiyo ku daro, Xabagta Dhiigsaarka

Oo aan dhiil Xareeda iyo intaa Dheri ka soo buuxsho

Oo Daboolka aan u dhuujiyoo Dab u dhardhaareeyo

Kol ay Boogta dhaymo u noqdaan, lama dhaliileene

Ma Nin dhoohan baan ahay maxaan taa u dhugan waayey

Hadaan Laamo dhaadheer ka qodo Dhuundhas Xididkeeda

Oo aan Xadhig dhan ugu soo xidhoo dhinac u laalaadsho

Oon Weel u hoos dhigo biyaha way dhidhibicdaaye

Wuxu dhibiqtifleeyaba Qoryaha wixii ka soo dhiiqay

Oo aan weliba dheecaan Mawiyo Dhamastana u geeyo

Oo aan Dhaal ku wada shiilo oo , Dhalo ka soo buuxsho

Inay Dhabarka Daawo u noqdaan way u dhoowdahaye

Ma Nin dhoohan baan ahay maxaan taa u dhugan waayey

Bal u fiirso Dhawrkan Beyd ee aynu soo qornay imisa Geed oo dhulkeena ka baxa ayaa ku jira ama laga baran karaa ugu yaraan waxa ku jira (8) Geed Magacyadood iyo Farsamo ahaan sida looga faaiidaysan karo

Halkaas ma jecli inaan u sii dhaafo balse waxaan u deynayaa Dhalinyarada Afsoomaliga u dhalatay ee ay Arimahani sida weyn u taabanayaan

Gees kale hadii aynu ka Dheegano waxa jira Dariiqooyin kala duwan oo door weyn ka qadanaya Barashada Afka iyo Dhaqanka kuwaas oo ay ka mid yihiin ,Qoraalada ka hadlaaya waxyaabaha Dhaqanka la xidhiidha sida Sheekooyinka dhaqanka oo la ogyahay in uu Macne weyni ku jiro. Inkasta oo ay ahayd inaan Bilawga Qormooyinkan ku soo qaato, anigoo ka Cudurdaaranaya, waxaan jeclaa inaan Qormada tan ku xigta ku soo qaato, Qaamuus isku turjumaya afka Soomaliga iyo Afka Ingiriisiga, kaas oo qeexaya Xeeldheerida Afka iyo dhaqanka Soomaliga.

Lakiin iyadana waxaan ka horaysiinayaa Su’aasha ah . Goorma ayaad is leedahay waa la qoray Qaamuuskii ugu Horeeyey ee isku Micneeya Afsoomaliga iyo Afka Ingiriisiga?.

Leave a comment